4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka oo kulamo ka wada Jowhar

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)- Magaalada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle waxaa ku sugan xubno ka tirsan guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka oo kulamo la leh mas'uuliyiinta Hirshabeelle.

Guddiga waxaa ay kulan la yeesheen madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ahna kusimaha madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen, oo ay ka wada hadleen Arrimo dhowr  ah oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Guddiga ayaa inta uu joogo magaalada Jowhar, waxaa ay sidoo kale kulamo kala duwan la yeelan doonaan qeybaha bulshada iyaga oo ka dhageysan doona tallooyinka la xiriira sharciga Doorashooyinka dalka ee loo diyaar-garoobayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]