4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2019
Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu horkacayo oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo

 

Khamiis, October, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wada in ay tagaan magaalada Kismaayo maanta galinka hore.

Diyaarada Wafdiga u sii qaadi doonta magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay xalay ku hooyata Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, waxaana wafdiga qeyb ka noqon doona Wasiirro ka tirsan Puntland, madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Mas'uuliyiin hore.

Dhamaan wafdigan ayaa u tagay Kismaayo ka qeybgalka munaasabada caleemo saarka madaxweynaha doorashadiisa wali lagu muransan yahay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Horay waxaa Kismaayo u sii joogay wafdi ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay ka mid ahaayeen Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed iyo xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya.

Diyaarada ka qaadi doonta Garoowe wafdiga uu horkacayo madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in ay si toos ah uga degtay magaalada Kismaayo iyadoo aan sii mari doonin magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay in wafdiga Puntland ku qanciso in aysan ka qeybgalin munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Axmed Ciise Cawad oo hoggaaminayay wafdi ay Dowladdu u dirtay magaalada Boosaaso oo kulan la yeeshay mas'uuliyiinta sar sare ee Puntland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]