4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2019
Wafdi ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo safiirro soo gaaray magaalada Beledweyne

 

Sabti, November, 09, 2019 (HOL)- Wafdi uu horkacay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xassan oo ay ka mid ahaayeen Safiirrada dalalka Turkiga iyo Qadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne

Wafdiga ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka socda caalamka oo soo gaara magaalada Beledweyne oo ay ku dhufteen daadad ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle, iyadoo dhinaca kale uu soconayo gurmad heer caalami ah oo loo fidinayo dadka ay fatahaadu ku dhufatay.

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay madaxda dowlad gobolleedka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Beledweyne, Wasiirro, Xildhibaanno horay u sii joogay magaalada iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Dowladdaha Qatar, Turkiga iyo Jabuuti ayaa ka mid ahaa dowladihii sidda weyn uga qeyb qaatay gurmadka loo sameynaayo Shacabka Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa dab-yaaqadii bishii tagtay ee October ilaa horaantii bishan November, waxaa ku dhuftay daadad xoog leh oo saameyn weyn ku yeeshay nolasha dadka ku dhaqan magalada oo xiligan intooda badan daadsan daafaha magaalada gaar ahaan deegaanka Ceeljaale ee dulleedka Bari magaalada Beledweyne. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]