4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2019
Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee xilka laga qaaday oo gaaray gobolka Sanaag

 

Sabti, November, 09, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in uu halkaa isaga baxay guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo Khamiistii ay xilka ka qaadeen Golaha Baarlamaanka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Dhoobo Daareed ayaa la sheegay in odayaal dhaqameed ku soo dhaweeyeen deegaanka Xiingalool isaga oo hlakaa uga sii gudbi doona deegaanka Badhan oo uu ka soo jeedo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gobolka Sanaag ay ka soconayaan kulamo ay leeyihiin siyaasiyiinta iyo odayaasha deegaanka oo ay uga arinsanayaan xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Dhoobe Daareed oo ay siweyn uga soo horjeesteen.

Guddoomiyaha laftirkiisa ayaa diiday oo sharci darro ku tilmaamay go'aanka uu Baarlamaanku qaatay, balse waxaa dhinaca kale soconaya qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha cusub kaddib markii arintan loo saaray guddi ka soo shaqeeya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]