4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2019
Xooggag ka tirsan Ahlu Sunna oo ku biiray ciidamada dowladda

 

Sabti, November, 09, 2019 (HOL)- Xooggag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo dhawaan isaga baxay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ayaa ku biiray ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhawaan la wareegay qeybo ka mid ah gobolka.

Cabdullaahi Daahir Rooble Cadde oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ahlu Sunna ayaa la sheegay in uu watay ciidamada ku biiray dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu muhiim u ahaa howlgalada Ahlu Sunna Waljameeca waxaana uu ahaa shaqsigii inta badan gacanta ku hayay hubka iyo gaadiidka Ururka Ahlusunna oo Muddo dagaal kula jiray Al-Shabaab, islamarkaana ka howlgalaayay degmooyinkii Dhuusa-Mareeb, Guri-ceel iyo Matabaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in inta badan la soo afjaray shaqaaqadii dhawaan dhaxmartay xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]