3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2019
Dr. Workneh Gabeyehu oo si rasmi ah ula wareegay xilka xoghayaha guud ee Ururka gobolleedka IGAD

 

Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Dr. Workneh Gabeyehu oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula xilka xilka Xogyahaya Guud ee Urur goboleedka IGAD.

Maxbuub Macalin oo muddo dheer soo ahaa xoghayaha guud ee Urur gobolleedka IGAD ayaa munaasabad maalintii shalay ka dhacday dalka Jabuuti xilkan si rasmi ah ugu wareejiyay Dr. Workneh Gabeyehu.

Qabashada xilkan dalalka sida weyn ugu loomay waxaa ka mid ah Soomaaliya  sidoo kale Jabuuti ayaa qeyb ka aheyd  dalalka dadaalka ku bixinayay sidii ay u hanan lahaayeen xilkan.

Dhawaan ayeey lagu wadaa in dhinaca kale xilka guddoomiyaha Urur gobolleedka IGAD uu si rasmi ah ula wareego madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaa oo ka dhigan in dalalka Itoobiya iyo Kenya kala qadaanayaa guddoonka Urur gobolleedka iyo Golaha Fulinta. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
11/8/2019 6:48 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL) -Qarreennada Gacanta ku haya kiiska badda Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa u muuqda xiligan in aysan wax go'aan ah ka gaarin karin sii wadista Kiiska sababo la xiriira dhaqaale xumo soo food saartay.

11/8/2019 6:15 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku kala saxeexday Magaalada Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro.

11/8/2019 3:58 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka.

11/8/2019 3:53 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Ugu yaraan shan qof ayaa la soo sheegay inay ku dhinteen ,120 kalena waxa soo aarat ay dhaawacyo ka dib kolkii dhul gariir qiyaastiisu tahay 5.9- uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalka Iran, sida laga soo xigtay TV-ga dowladda.

11/8/2019 12:41 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Xaakim fadhiya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doolar, maadaama uu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey'ad gargaar oo uu isaga leeyahay.

11/8/2019 12:27 AM EST
Jimco, November, 08, 2019 (HOL)-Koox hubeysan ayaa xalay rasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo lagu shaaho degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.