4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2019
Dhaqaale xumo soo food saartay Garsoorayaasha Kenya u qaabilsan Kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

 

Jimco, November, 08, 2019 (HOL) -Garsoorayaasha dhinaca Kenya gacanta ku haya dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa u muuqda xiligan in aysan wax go'aan ah ka gaarin karin sii wadista Kiiska sababo la xiriira dhaqaale xumo soo food saartay.

Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Anthony Mrima, ayeey aheyd maalintii shalay in ay soo saaraan go'aankooda la xiriira in Kenya sii wadi doonto kiiska Badda ee hadda hor yaala maxkamada ICJ ee fadhigeedu yahay  The  Hegue.

Garsoorayaashan ayaa dalbaday 31.2 bilyan Kenya shilin si ay sii wataan howlahooda , balse Baarlamanka dalka Kenya ayaa u ogolaaday ayaa u ogolaaday wax ka yar  kala bar oo ah 14.5 bilyan.

Dhaqaale xumidan ayeey sheegeen in garsoorayaasha oo ka kala imanaya goobo kala fog ku adkaysay inay isu yimaadaan si ay go'aan u gaaraan.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamada ICJ ka labatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda Badda sababo iyada u gaar ah awgood, balse hadda waxaa muuqata in Kenya mar kale wajaheyso caqabado kale oo ka heysta go'aan ka gaarista kiiskan oo muddeysan in dib loo furo bisha June ee sanadka 2020ka sida ay sheegtay maxkamadda.

Soomaaliya ayaa dhinaceea mar walba sheegtay in ay diyaar u tahay la guda-galo dhageysiga dacwadda waxaana ay sheegtay dib u dhigistan u arkayaan go'aankii ugu danbeeyay oo ay maxkamadu qaadato. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]