4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2019
Boosaaso'' Shan Nin oo ka tirsanaa Al-shabaab oo toogasho lagu fuliyay

 

Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Maxkamada Ciidamada Puntland, ayaa saakay dil-toogasho ah ku fulisay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen ururadda Al-shabaab iyo Daacish.

Ragga la toogtay ayaa waxay mudo ku xirnaayeen xabsiga magaaladda Boosaaso, waxaana ciidamada ammnigu ay horay uga soo qabqabteen gudaha deegaanada Puntland.

Toogashada raggaan ayaa timid kaddib markii Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaankubaay ku rideen xukun dil ah.

Magacyada raga la toogtay, ayey maxkamaddu ku sheegtay Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah, Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah, Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh oo 22 jir ah, Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah, iyo Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Puntland, horay waxaa loogu dilay rag lagu eedeeyay in ay Shabaab iyo Daacish la shaqeynayeen.

VOA