3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2019
Cabdixakiin Dhoobo Daareed '' Ma jirto wax xil ka qaadis ah oo leygu sameeyay

 

Khaniis, November, 07, 2019 (HOL)- Guddoomiyihii Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistii maanta ay ku sameeyeen Golaha Wakiilada Puntland

Isaga oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayuu sheegay in aan sifo sharci ah loo marin sida uu hadalka u dhigay go" aankii ay maanta kalsoonida kala noqdeen xildhibaannada.


"Waxaanu leenahay nidaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo", ayuu yiri Dhoobo.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis ayaa kudhawaaqay in natiijada xil ka qaadista guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo aanan ka soo qeybgalin kulankaas xilka looga "xayuubiyay".

Mooshinka xil ka qaadista oo xalay la gudbiyay waxaa ku saxiixnaa 44 xildhibaan, sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Puntland.

Eedeymaha ku qornaa mooshinka ayaa waxaa ka mid ahaa in uu yiri guddoomiyaha in "Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil, arrintaas oo ay shegeen in ay meel ka dhac ku tahay sharciga Puntland".

Sidoo kale xildhibaannada mooshinka gudbiyay waxay ku doodayeen in "gudoomiyaha uu xarunta Barlamanaka geeyay "Maleeshiyaad hubeysan".

Balse Cabdixakiin ayaa beeniyay eedahaas oo dhan wuxuuna yiri: "Ma jirto xeer hoosaad aan jebiyay. Golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambeysay si fiican bay u qabsoontay. Gudoonkeygaan la tashanayay oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay. Wax la wada qaatay bay ahaayeen".

"Waxaa nakala saaraya; in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo", ayuu hadalka sii raaciyay.

"Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa", ayuu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Wuxuu ku andacoonayaa in xildhibaannada "culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay", inkastoo taasi aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

Xarunta Barlamaanka ee Puntalnd waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ilaalada xarunta iyo ciidamo ka tirsan booliska Puntland, waxaana dagaalkaas ku dhintay saddex qof oo mid kamid ah uu yahay qof rayid halka shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 
 

 















Click here
11/7/2019 10:10 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Maxkamada Ciidamada Puntland, ayaa saakay dil-toogasho ah ku fulisay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen ururadda Al-shabaab iyo Daacish.

11/7/2019 7:40 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Waxaa magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida ka furmay Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF, Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u badan oo isugu jira Xubnaha Ururka, Taageerayaasha ONLF, xubno ka socday Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya.

11/7/2019 5:44 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)- Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay goor dhaw guddiga qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay cod gacan taag ah xilkii looga qaaday guddoomiyihii Golaha Cabdixakiin Maxamed Axmed Doobo-Daareed

11/7/2019 2:35 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo ayaa goor dhaw cod gacan taag ah xilkii uga qaaday guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed Doobo-Daarreed

11/7/2019 12:34 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye waxaa ay ku soo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro kaddib dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Shabeellaha Hoose

11/7/2019 12:21 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdcasiis ayaa xaqiijiyay in uu qabtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo]

11/7/2019 12:09 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidanka Booliiska dowlad gobolleedka Puntland Jen Muxudiin Axmed Muuse ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland in uu ka danbeeyay iska horimaadka ka dhacay xarunta golaha Wakiiladda.