3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2019
Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF oo ka furmay magaalada Godey

 

Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Waxaa magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida ka furmay Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF, Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u badan oo isugu jira Xubnaha Ururka, Taageerayaasha ONLF, xubno ka socday Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa iyana kasoo qayb galay Shirwaynahan Wakiilo ka socday dawladda fadaraalka Itoobiya iyo Dawlad Degaanka Soomaalida, qaar kamid ah Culimada degaanka, Odayaal dhaqameedka degaanka iyo marti sharaf ka kala timid dalalka dariska.

Haddaba Shirwaynahan ayaa waxaa inta uu socdo lagu gurfayn doonaa waxyaabo muhiim ah, isla markaana Umadda degaanka Soomaalida lagu hagi doono.

Sidoo kale Madaxda Ururka ONLF ayaa iyaguna hadallo taariikhi ah kasoo jeedin doona Shirwaynahan.

Shir-waynahan  oo ah mid dadwaynaha Soomaaliyeed isha ku hayaan ayaa la filayaa inay  kasoo baxaan go'aano wax-tar u noqda masiirka Shacabka degaanka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 













Click here
11/7/2019 10:10 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Maxkamada Ciidamada Puntland, ayaa saakay dil-toogasho ah ku fulisay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen ururadda Al-shabaab iyo Daacish.

11/7/2019 9:19 AM EST
Khaniis, November, 07, 2019 (HOL)- Guddoomiyihii Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistii maanta ay ku sameeyeen Golaha Wakiilada Puntland

11/7/2019 5:44 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)- Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay goor dhaw guddiga qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay cod gacan taag ah xilkii looga qaaday guddoomiyihii Golaha Cabdixakiin Maxamed Axmed Doobo-Daareed

11/7/2019 2:35 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo ayaa goor dhaw cod gacan taag ah xilkii uga qaaday guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed Doobo-Daarreed

11/7/2019 12:34 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye waxaa ay ku soo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro kaddib dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Shabeellaha Hoose

11/7/2019 12:21 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdcasiis ayaa xaqiijiyay in uu qabtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo]

11/7/2019 12:09 AM EST
Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidanka Booliiska dowlad gobolleedka Puntland Jen Muxudiin Axmed Muuse ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland in uu ka danbeeyay iska horimaadka ka dhacay xarunta golaha Wakiiladda.