4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2019
Guddiga Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay

 

Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)- Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay goor dhaw guddiga qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay cod gacan taag ah xilkii looga qaaday guddoomiyihii Golaha Cabdixakiin Maxamed Axmed Doobo-Daareed.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis ayaa Magacaabey Guddi ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo lagu amray in  mudo kooban ay ku qabtaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddiga ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle, waxaana mid ah Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac, Xildhibaan Fu'aad Abshir Axmed, Xildhibaan Axmed Xiriir Gaas, Xildhibaan Aadan Yuusuf Aadan, Xildhibaab Mahdi Saciid Xassan iyo Xildhibaan Cabdulalahi Yuusuf Muuse.

49 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixisay saakay xil ka qaadista guddoomiye Cabdixakiin Doobo oo lagu eedeeyay qoddobo dhowr, iyadoo xalay dagaal ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada Puntland la sheegay in ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad beeshiisa ah sida laga soo xigtay taliska Booliiska Puntland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]