4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2019
Dad lagu soo qab qabtay howlgal ciidamadu ka sameeyeen degmada Afgooye

 

Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye waxaa ay ku soo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro kaddib dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Shabeellaha Hoose

Dadka lagu qab qabtay howlgalkan ayeey ciidamadu isugu geeyeen saldhiga Booliiska degmada oo la sheegay in lagu kala saarayay dadka la soo qab qabtay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono islamarkaana leyska sii deyn doono ciddii aan danbi laheyn..

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa waxaa  ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan ,islamarkaana Goobaha  Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u socdaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]