4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2019
Wararkii ugu danbeeyay iska horimaad xalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Puntland

 

Khamiis, November, 07, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidanka Booliiska dowlad gobolleedka Puntland Jen Muxudiin Axmed Muuse ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland in uu ka danbeeyay iska horimaadka ka dhacay xarunta golaha Wakiiladda.

Taliyaha ayaa sheegay in waxa meesha ka dagaalamay  ahaayeen sida uu hadalka u dhigay maleeshiyo beelleed ka amar qaata guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] waxaana uu intaa ku daray in dhowr jeer oo hore ay kala hadleen in uu maleeshiyada ka saaro xarunta

"Arintaa waxey aheyd mid lid ku ah nabad-galyada, dhowr jeer oo hore ayaa guddoomiyaha kala hadalnay in uu meesha ka saaro maleeshiyaadka beeshiisa ah ee xarunta Golaha Wakiilada ku sugnaa, intaa ayaa qorneyd in ay dhacdo, haddana waa la xaliyay wada hadal kaddib in halkaa maleeshiyada laga saaro'' ayuu yiri taliyaha Booliiska Puntland.\

Dagaalka xalay ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe ayaa imamaya xilli maalmahan  uu jiray  warar sheegaya in uu jiro mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wakiiladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]