4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Shabeellaha Hoose oo weerar Bam lagu dilay

 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar Bam loo adeegsaday oo gurigiisa lagu qaaday lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada maamulka gobolka Shabeellaha Hoose

Cumar Maxamuud Cilmi [Cumar Carabeey] ayaa lagu waramayaa in uu u geeriyooday dhawac culus oo ka soo gaaray weerar Bam loo adeegsaday oo lagu qaaday caawa guriga uu ka degenaa degmada Afgooye.

Guddoomiye ku-xigeenka la dilay ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiinta sida weyn caanka uga ahaa gobolka Shabeellaha Hoose muddo dheerna ka soo shaqeynayay gobolka.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo la xiriira dilka Cumar Maxamuud Cilmi Carabeey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]