Madaxweyne Biixi oo taliye iyo ku xigeen cusub u magacaabay Ciidanka Booliska Somaliland
Talaado, November 05, 2019 (HOL)–Madaxweyne Muuse Biixi ayaa taliyaha ciidanka Booliska u magacaabay.Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle, halka taliye ku xigeenka u magacaabay Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax.
Sidoo kale, waxa uu xilkii ka
qaaday taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed
Mire oo maalintii taliyihii hore dhintay isna xanuun ku soo booday.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu
tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey
masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.”ayaa lagu yidhi qoraal
ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
“Waxaan Go’aamiyey; In laga
bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Sareeye Guuto, Maxamed Aadan
Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire
Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda
Somaliland.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Ku: Sarreeye Guuto, Faarax
Maxamed Mire
Taliye Ku-xigeenkii hore ee
Ciidanka Booliska Somaliland.”ayaa u qornayd nuxurka wareegtadda ka soo baxay
madaxweyne Biixi.
Taliyaha cusub Sareeye Guuto,
Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle,ayaa ka mid ahaa ciidanka Militeriga Somaliland
kaasi oo soo wareejiyey ciidanka Booliska, halka taliyihii ku xigeenkii hore
Faarax Mire oo isna laga soo wareejiyey ciidanka Militeriga uu xanuun ku soo
booday habeenkii uu geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka Marxuum Cabdilaahi Fadal, Kaasi oo xilkiisii loo soo
magacaabay taliye ku xigeen Cabdi Mire.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland