3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2019
Sanaag:Laba Beelood oo si iskood ah uga heshiiyey colaad Afar jirsatay oo ka dhexeysay iyo nabad ay gudoonsadeen


Talaado, November, 05, 2019 (HOL)-Waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Ceelafweyn ee gobolka Sanaag ayaa si iskood ah uga heshiiyey dagaaladii soo noqnoqday ee beelaha wada dega ku dhexmaray, taas oo maanta la soo afjaray.

Aqoonyahanka, waxgaradka iyo odayaasha deegaanka ayaa iyagu go’aansaday inay ka heshiiyaan dagaallo afar sanno ka socday deegaanka oo laba beelood oo walaalo ah ku dhexmarayey, waxaanay dawladda ku wargaliyeen inay iyagu gaar u heshiiyaan,isla markaana qofkii ay u arkaan inuu nabadda waxyeelayo loo xidho.

Heshiishkan oo mudadii u dambaysay ka socday Ceelafweyn ayaa maanta loo sameeyey isku soo bax balaadhan oo beelaha wada degaa si wada jir ah isku dhexgalayaan,isla markaana ka heshiiyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda soo maray mudadii dirirtu ka socotay.

Waxa kale oo isu soo baxa ka mid ahaa Madaxda dawladda, Saraakiisha ciidammada, ardayda iyo shacbi weynaha qaybihiisa kala duwan ayaa ka qayb-galay xabbad-joojinta ay kala saxeexdeen labada qoys colaadu ka dhexeysay.

Hore waxa heshiishkan u gallay golaha Guurtidda, culimada Somaliland iyo xukuumadda oo muddo dheer ku jiray, taas oo waxba ka tarin, mar wal oo la heshiisaba ay mar kale dagaalku ka bilaabmayey, haseyeeshee hada waxay ka soo go’day labaddii beelood oo iyadoo cidi ku dhex jirin isku fahmay inay hawlahooda gaar u dhamaystaan, taas oo maanta shaaciyeen in la soo afjaray colaadii deegaanka Ceel afweyn ee gobolka Sanaag.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa soo dhoweeyey nabadda ay wada qaateen labada beelood ee colaadu ka dhexeysay, waxaaanay sheegeen in odayaashaasi markii ay hawsha u baxayeen xukuumadda la sii shirey,isla markaana xukuumaddu ka taageeraysay wixii nabadda kor u qaadaya, taas oo ay ku hambalyeeyeen inay ka heshiiyaan khilaafkii mudadda dheer soo jirey inay gartaan inay ka heshiiyaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.

 













Click here
11/5/2019 9:57 AM EST
Talaado, November 05, 2019 (HOL)–Madaxweyne Muuse Biixi ayaa taliyaha ciidanka Booliska u magacaabay.Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle, halka taliye ku xigeenka u magacaabay Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax.

11/5/2019 6:27 AM EST
Talaado, November, 05 2019 (HOL)-Sagaal eedeysan oo ay ka mid tahay qof dumar ahaa loo xukumay ka mid ahaashaha Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

11/5/2019 6:14 AM EST
Talaado, November, 05, 2019 (HOL)-Wasiirkii hore ee arimaha guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi (Gaboose) ayaa si adag u dhaliilay sida uu dalka u maamulayo madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay in hadii aan wax laga qaban dalku halis u jiro inuu sii kala fogaado.

11/5/2019 3:44 AM EST
Talaado, November, 05, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamay arin fowdo ah hab dhaqanka dowlad gobolleedyada qaarkood oo sida uu hadalka u dhigay qalad ka fahmay habka nidaamka Federaalka.

11/5/2019 2:41 AM EST
Talaado, November, 05, 2019 (HOL)- Saacadihii la soo dhaafay magaalada Beledweyne iyo daafaheeda waxaa ka da'ay roobab xiriir ah, kaasoo hakad ku keenay duulimaadyadii u badnaa gargaarka ee ka degayay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

11/5/2019 12:07 AM EST
Talaado, November, 05, 2019 (HOL)- Qarramada Midoobey ayaa ku biirtay dadaallada caalamiga ah lagu gargaarayo dadka ay fatahaadu ku dhufatay ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Beledweyne ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

11/5/2019 12:02 AM EST
Talaado, November, 05, 2019 (HOL)- Hal Qof ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dulleedka magaalada Boosaaso sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska dowlad gobolleedka Puntland.