4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2019
Siyaasi Maxamed Cabdi Gaboose oo walaac ka muujiyey xaaladda Somaliland ku jiro

 

Talaado, November, 05, 2019 (HOL)-Wasiirkii hore ee arimaha guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi (Gaboose) ayaa si adag u dhaliilay sida uu dalka u maamulayo madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay in hadii aan wax laga qaban dalku halis u jiro inuu sii kala fogaado.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay jiraan siyaasiyiin si kooxaysan u maamulaya dalka,isla markaana kali ku ah manfaca iyo mansabka dawladda, waxaanu sheegay inuu dalku marayo halkii ugu xumayd ee uu gaadho.

Siyaasi Maxamed Cabdi (Gabboose) ayaa mudo dheer oo uu Saaxadda Siyaasadda Somaliland ka maqnaa waxa uu maanta warbaahinta la wadaagay walaac uu ka qabo sida dalka loo maamulayo iyo tallo xumadda xukuumadda madaxweyne Biixi dalka ku hogaaminayo.

“maanta hadalkaygu wuxuu daaran yahay dardaarinkii nabigeena ee ahaa u hiili walaalkaa hadii uu gardaran yahay iyo hadii laga dardaran yahay labadaba,sawirka guud ee uu maanta dalku marayo maaha mid qurxoon, waxaanu dib ii xasuusiyey midhii ka dashay tallo xumadii lixdankii ee qolada kale u wada qaadatay dhamaan xilalkii dawladnimo iyo manficii,taas oo keentay in aan waxba lala tagin”ayuu yidhi siyaasi Gaboose.

“Madaxweynuhu wuxuu qiimayn kari waayey odayaashii waday arrinta Jabhadda Caare, waxaana kulankaasi ugub ku ahaa oo bahdilaad ku ahaa inuu madaxweynuhu odayaashii nabadii la qaadan waayey,isla markaana cajalad ka duubay soonna baahiyey.”ayuu yidhi 

Waxaanu Gaboose soo jeediyey talooyin usoo jeediyey madaxweynaha:

1. waxaan soo jeedinayaa Inaad meesha ka saarto nidaamka kooxeysan ee loo aanay-nayo kala irdhaynta bulshada umaddana aad dhex u noqotid.

2. Inaad garawshiiyo iyo xaal ka bixisid deelqaafkii umadda ku dhaqan Sanaag-bari ka kacay Jananka Ciidamada Qaranka.

3. In aad mudnaan gaar ah siiso tabashadda goboladda, Awdal, Selel Sool iyo Sanaag-bari kuwaas oo la'aantood aanay jiri karin Somaliland.

4. In aad aan adiga iyo bulshadda laydin kala waramin, ee aad albaabada u furto.

5. In aad hoos u eegtid cabashooyinka beelaha iyo raadadka ay reebtay doorashadii.

6. In aad ka waantowdid xadhiga wariyayaasha iyo cid walba oo fekerkeeda saliimka ah cabirta xoriyadoodina usoo celisid muwaadiniinta u xidhan aragtidooda.

7. In shirka laga iclaamiyay Burco looga faa'iidaysto turxaan bixinta beelaha.

8. In aad si dhaqso ah isugu yeedho waxgaradka iyo waayo-araga umadda, kalana tashato xaalada dalku marayo iyo sidii looga bixi lahaa.

Siyaasi Gaboose ayaa ah digtoor caanka  ka ah  gayiga Soomaalidda,isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland, waxaanu ka nastay muddo dheer siyaasadda, haseyeeshee maanta waxa uu sheegay inuu usoo kacay xaaladda uu dalka ku jiro oo uu sheegay in ay gurmad u baahan tahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.