4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2019
Wasiir Maareeye'' Dowladda Gobolleedyada qaarkood habka ay u dhaqmayaan waa Fowdo ee ma'aha Federaal

 

Talaado, November, 05, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamay arin fowdo ah hab dhaqanka dowlad gobolleedyada qaarkood oo sida uu hadalka u dhigay qalad ka fahmay habka nidaamka Federaalka.

''Dalka Soomaaliya dowlad buuxda ayuu leeyahay, waana Dowladda Federaalka Soomaaliya, Nidaamkan aynu qaadanay ee Federaaliisam-ka aduunka ayuu ka jiraa, Wuxuu uga jiraan si nidaamsan oo la yaqaanno oo Dowladda dhexe mar walba ay leedahay dalka Maamulkiisa iyo sida uu u shaqeeyo, Maamul gobolleedyada qaarkood waxaad moodaa in ay nidaamka si qalad ah u fahmeen iyaga oo u fasirtay in ay yihiin dowladdo madax-bannaan mana aha....ayuu yiri'' Wasiir Maareeye.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay Dowladda Mareykanka oo ah ayuu yiri halka inta badan laga soo qaato nidaamka hadda meelaha qaar hadda Africa looga dhaqmo ee Federaalka, isaga oo sheegay in marnaba gudaha dalka Mareykanka aysan dhici karin in madaxda State ka mid ah Mareykanka inta ay baxaan la kulmaan tusaale ahaa madaxweynaha Ruushka isaga oo sheegay in arntaa leysku maxkameedyo.

''Annaga waad aragtay .. wey iska dhoofayaan .. waddan aan cadaw nahay ayeey u galayaan..madaxda ayeey iskala shirayaan, dowladda oo aan ogeyn ayeey wax fasaxayaan, taaso lama oran karo nidaam Federaal ah ee waa nidaam Fowdo ah'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay ayuu intaa raaciyay Wasiir Maareeye.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ku mashquulsan tahay sidii loo dhisi lahaa Dowladda Federaalka ah oo sharciyada ku dhisan.

Hadalka Wasiir Maareeye ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda dhexe ee Federaalka iyo dnewowlad gobolleedyada dalka qaarkood gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]