4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida oo cod buuxa ku ansixiyay kamid noqoshada EPP

Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Shirwaynihii XDS uga socday magaalada Jigjiga ayaa hadda lasoo gabagabeeyay, iyadoo xubnihii xisbiga ee shirka kasoo qayb galay ay cod buuxa ku ansixiyeen kamid noqoshada xisbiga EPP.

Haddaba Shirka maanta ay yeesheen xubnaha XDS ayaa ahaa mid xilligiisii laga soo hormariyay sababo aan la shaacin iyadoo ballantu ahayd maalinta Axadda ah ee barito balse maanta laga dhigay.

Axsaabta ilaa hadda ku biirtay xisbiga EPP ayaa ah 7 xisbi, isagoo XDS uu ku noqonayo xisbigii 8aad ee si buuxda ugu biira xisbiga lawada leeyahay ee EPP.