4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
Guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland oo Gudoomiye u doortay xubintii xisbiyada mucaaradku diidanaayeen

 

Sabti, November 30, 2019 (HOL )– Xubnihii guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen, kuwaas oo u kala doortay Cabdirashiid Riyo Raac iyo Mustafe Dhawal.

Gudoomiyaha loo doortay guddida doorashooyinka Cabdirashid Riyo Raac ayaa ahaa xubintii muranka badan ka dhalisay in guddida lagu soo daro,isla markaana xisbiyada mucaaradku dalbanayeen in xubintaasi dib loo celiyo.

Goobtii lagu dooranayey gudoomiyaha cusub waxa ka maqnaa xubintii xisbiga WADDANI ka socotay, halka xubintii xisbiga UCID ka socotayna sheegay in lagaga batay in la doorto Cabdirashiid Riyo Raac, waxaanu doorashadaasi ku tilmaamay mid gacan ku rimis ah oo aan loo diyaar garoobin.

“Doorashaadani waxay ahayd mid aan la isku ogeyn, waayo waxa khamiistii noo timid guddidii dhexdhexadinta ahayd oo noo sheegtay in aanay doorasho dhicin inta hawsha ku jiraan, waxay ahayd doorashadaasi mid gacan ku rimis ah oo aan loo diyaar ahayn oo saaka uun bilaabantay, waan fadhiyey oo kama bixin laakiin waa la nagaga cod batay”ayuu yidhi xubintii ka socotay xisbiga UCID.

Gudoomiyaha Cusub Cabdirashiid Riyo raac ayaa ahaa xubintii muranka badan ka dhalisay guddida cusub, waxaanay hore u qaadaceen in guddida lagu soo daro xubintan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.