4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
Puntland oo nabadoono iyo odayaal dhaqameed ku xirxirtay magaalada Bosaso

Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Ciidamada amniga magaalada Bosaso ayaa xiray qaar kamid ah odayaal dhaqameed maalin ka hor magaalada Bosaso ku qabtay shir jaraa'id oo ay ku dhaleecaynayeen maamulka madaxweyne Deni.

Odayaasha la xiray ayaa kasoo horjeestay heshiisyada maamulka Puntland uu kula jiro dowladda Imaaraatka Carabta, iyagoo sheegay in Imaaraatku boob xoogan uu ku hayo kheyraadka Puntland iyo ilaheeda dhaqaalaha.

Waxay kaloo odayaasha kasoo horjeesteen xidhiidh xumada Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya iyo ciidamo maamulku geeyay magaalada Bosaso oo ay sheegeen in shacabku ka cabanayo.

Lama oga tirada odayaasha la xiray, balse waxaa ku jiray kuwo horey loo xiray oo dhawaan lagusii daayay cafis maxkamadeed.

Guddoomiyaha gobolka Bari, ee dhawaan la magacaabay Cabdisamad Abwaan, ayaa horey ugu digay nabadoonada gobolka Bari, isagoo sheegay  in lala xisaabtamidoono.

Wixii faahfaahin ah kala socda Hiiraan Online