3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
Dood adag oo ka dhalatay ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in la geeyay degmada Dhuusa-Mareeb

 

Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Dood adag ayaa saacadihii ugu danbeeyay qabsatay baraha Bulshadu ku wada xiriiraan oo ku saabsan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo la sheegay in la geeyay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

Qoraal shalay ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in deegaannnada Dowladda Federaalka ay ciidamada Itoobiya ku daabuleysay ka mid tahay degmada Dhuusa-Mareeb oo dhawaan la filayo in lagu doortay Baarlamaanka iyo hoggaanka cusub ee Galmudug, waxaana ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay isticmaaleyso ciidamo Itoobiyaan ah oo aan aheyn kuwa ka tirsan howlgalka Midowga Africa AMISOM.

Laakiin markii uu Qoraalka soo baxay waxaa ka hor yimid oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran, isaga oo sheegay in Dhuusa-Mareeb aysan joogjin ciidamo aan aheyn kuwa AMISOM.

Xidhibaanka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee hadda jooga Dhuusa-Mareeb horay u sii joogeen iyaga oo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM waxaana ku wehliya ciidamo ka socda Jabuuti oo dhamaantood kala shaqeynaya ciidamada dowladda Soomaaliya sugida nabad-galyada deegaannada Galmudug.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto xildhibaan Maxamed Xusseen Odawaa oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa bartihiisa Facebooka soo dhigay in Dowladda Soomaaliya qorsheyneyso in doorashada Galmudug u adeegsato ciidamo Itoobiya ah si la mid ah sidii ka dhacday magaalada Baydhabo waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Odawaa.

“Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomaliya ku hayso.
Madaxweynuhu maba daahin ee markuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xishood laheyn u billaabay in uu dadka Soomaliyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia” ayuu yiri Musharax Xildhibaan Maxamed Xuseen Odawaa.

“Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada  ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa  arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi  galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer  Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo”

Waxaa xildhibaan Odawaa ku raacay dooddiisa ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan loo adeegsanayo doorashada Galmudug xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in arintaa aysan cidna ka qarsooneyn.

Dhamaan xildhibaannadan ayaa ka soo jeeda deegaannada Galmudug waxaana xusid mudan in Xildhibaan Cabdixakiin Macalin oo ka hor yimid Qoraalkii ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran uu xoghaye Guud u yahay Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamyo Shariif Sheekh Axmed oo ay dowladda siweyn isku hayaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo la xiriira eedeymahan loo soo jeedinayo ee ah in ay ciidamo Itoobiyaan ah u adeegsaneyso doorashada Galmudug. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
11/30/2019 3:18 PM EST
Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed). ayaa si kulul u cambaareeyay xarig Puntland kula kacday odayaal saxaafada ka hadlay oo madaxweyne Deni dhaliilay.

11/30/2019 2:05 PM EST
Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Shirwaynihii XDS uga socday magaalada Jigjiga ayaa hadda lasoo gabagabeeyay, iyadoo xubnihii xisbiga ee shirka kasoo qayb galay ay cod buuxa ku ansixiyeen kamid noqoshada xisbiga EPP.

11/30/2019 10:16 AM EST
Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil dhawaan gurigiisa loogu geystay Generaal Yuusuf Cali Qaseeye [Cageey] oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

11/30/2019 10:04 AM EST
Sabti, November 30, 2019 (HOL )– Xubnihii guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen, kuwaas oo u kala doortay Cabdirashiid Riyo Raac iyo Mustafe Dhawal.

11/30/2019 10:00 AM EST
Sabti, November 30, 2019 (HOL) –Ciidanka Booliska Somalilanda ayaa saaka magaalada ka qabqabanayey Oromadda aan sharciga ku so galeen wadooyinka dawarsada iyo kuwo ka shaqaysta ee aan haysan sharcigii ay ku joogayeen.

11/30/2019 9:57 AM EST
Sabti, November 30, 2019 (HOL )– Gobolka Maroodi jeex ayaa ku guulaystay tartankii Fardaha ee magaalada Hargeysa ka socday oo ay iskugu yimaadeen gobolada waaweyn ee Somaliland.

11/30/2019 9:04 AM EST
Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Ciidamada amniga magaalada Bosaso ayaa xiray qaar kamid ah odayaal dhaqameed maalin ka hor magaalada Bosaso ku qabtay shir jaraa'id oo ay ku dhaleecaynayeen maamulka madaxweyne Deni.

11/30/2019 3:07 AM EST
Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aaddam-nimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yeello kasoo gaadhay fatahaadihii dhowaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka, halka 370,000 kalena ay ku barakaceen.

11/30/2019 1:20 AM EST
Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Wasiirka Gaashaandhigga ahna ku xigeenka Xisbiga ODP ee degaanka Oromiya ka taliya Lamma Magersa ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo midaynta xisbiyada dalka ee EPP iyo nidaamka MADAMAR ee uu layimid Abiyi Axmed.

11/30/2019 12:05 AM EST
Sabti, November, 30, 2019 (HOL)- Ninka weerrarka soo qaadday oo booliisku magaciisa ku sheegay Cismaan Khan oo ah 28 jir, hore u ahaa maxbuus bannaanka ku joogay damiin waqtiga uu weerrarka dhacayay, kaas oo lagu dilay nin iyo haweeney saddex qof oo kalana waa ay dhaawacmeen.

11/30/2019 12:01 AM EST
Sabti, November, 30, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo baara Warka ku saabsan in is hortaag lagu sameeyay Xildhibaannad Daleys Xassan Aadan 25kii bishan xili ay dooneysay in ay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.