4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2019
QM '' Nus Malyuun Qof ayaa ku waxyeelloowday fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya

 

Sabti, November, 30, 2019 (HOL)-Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aaddam-nimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yeello kasoo gaadhay fatahaadihii dhawaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, halka 370,000 kalena ay ku barakaceen.

Fatahaadihii dhacay Bil ka hor oo ahaa kuwo ka baxsan xaddigii la  filayay ayay sheegtay hay’adda in ay gaab yara gelisay in badan oo ka  mid ah howlihii samafalka ee ay ka wadeen goobahaasi.

Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aadam-nimada Qaramada midoobay ee  OCHA, ayaa intaa raaciyay in dadka ay saamaynta ku yeesheen ay markii  horaba la daalaa dhacayeen Abaaro iyo wax soo saarkii dalagyada ay oo ka  hooseeyay 70%.

Waxaa haatan soo kabanaya dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo  daadadkii ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyadoo ay samata  bixinta dadkii ay waxyeelladu soo gaaray ay gacan weyn ka geysatay  dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]