4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay gacan ku heynta degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

 

Axad, November, 03, 2019 (HOL)-Gobolka Galguduud saacadihii ugu danbeeyayba waxaa ka taagnaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo maamula inta badan deegaannada uu gobolku ka kooban yahay.

Warar ka imanaya degmada Guri-ceel ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada oo horay u aheyd saldhigga ugu weyn xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xalay la maqlay rasaas kooban oo ka dhaceysa gudaha degmada taasoo u dhaxeysay Ciidamada dowladda gudaha u galay degmada iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Inkastoo xaalada degmada xiligan tahay mid deggan ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira cabsi laga qabo dagaal ka dhici kara madaama xoogagga Ahlu Sunna ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn degmada. 

Maalintii shalay ayeey aheyd markii dulleedka degmada Matabaan uu iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada ka tirsan kuwa dowladda oo galbinayay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  ku sii jeeday degmada Matabaan iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]