Cumar Cabdirashiid’’ Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ayeey aheyd in uu taggo Beledweyne si gurmadka loo dhiiri-galiyo
Sabti , November, 02, 2019 (HOL)- Ra’iisal Wasaarihii hore
ee Soomaaliya Cumar Cabdarashiid Cali Sharmar’arke ayaa dhaliilay qaabka ay
dowladdu wajaheyday xaalada ka taagan magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in Madaxweynaha ama Ra’iisal
Wasaaraha Dowladda Federaalka midkood looga baahnaa in uu tago magaalada taasoo astaan wanaagsan u noqon laheyd gurmadka iyo
gargaarka heerka caalami ee socda
‘’Astaanka ugu wanaagsan
gurmadka loo fidinayo dadka reer Beledweyne waxey noqo laheyd haddii uu halkaa tagi lahaa madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha midkood, iyaga oo ku soo jeedinaya
idhaha deeq bixiyayaasha xaalada adag ee magaalada ka jirta,’’ ayuu yiri Cumar
Cabdirashiid Cali Sharma’arke
Wuxuu sheegay in hadda
caalamka oo dhan iyo gudaha dalka Soomaaliya laga uruurinayo qarraan la doonayo
in loogu gurmado dadka ay fatahaaddu saameysay gaar ahaan magaalada Beledweyne,
balse wuxuu sheegay in dhibta dadka heysata marka la eego aysan sugi karin
yabooha socda sidaa daraadeed looga baahan yahay dowladda in ay iyadu bixiso lacag ku dhawaad 5,000,000 oo dollar
oo dadka lagu samata-bixinayo.
‘’Marka ay masiibooyinka oo
kale dhacaan dowladda iyada ayaa laga rabaa in markiiba jawaab deg deg ah ka
bixiso, dadkaasi waxey u baahan yihiin gargaar ku kacaya qiyaastii 5,000,000 dollar dowladda xitaa haddii aysan
heyn waa in ay soo deysataa, marka danbe lacagtaa deynta ah xooggeeda waxaa lagu bixinayaa
lacagaha iyo deeqaha kale ee hadda la uruurinayo’’ ayuu sheegay Cumar
Cabdirashiid oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOAda.
Wuxuu sheegay in xiligii uu ra’iisal wasaaraha
ahaa mar sidan oo kale magaalada ay soo marta fatahaad laakiin ka baaxda yareyd tan hadda oo khasaaraheedu aad u badnaa,’’Magaalada Beledweyne fatahaddu wey ku badatay,
Anniga waqtigii aan Ra’iisal Wasaaraha ahaa mar ayeey sidan oo kale soo martay
inkastoo ay ka saameyn iyo khasaare-ba yareyd tan hadda, waxaan is leeyahay waxaa muhiim ah in la helo
qorshe biyaha mar walba magaalada ku soo rogmada looga weecin karo’’ ayuu
hadalkiisa sii raaciyay.
Hay’addaha caalamiga ayuu
dhankooda ugu baaqay in ay qaabeeyaan gargaarka iyo deeqaha loogu talagalay
fatahadda si loo hubiyo in dadkii mudnaa la gaarsiiyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]