4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2019
UK oo ka qeybqaadneysa gurmadka la gaarsiinayo dadka ay Fatahaaddu saameysay

 

Sabti , November, 02, 2019 (HOL)- Safiirka Britain ee Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in Boqortooyada UK ka qeybqaadaneyso gargaar iyo gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaaddaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Somaaliya.

Safiirka oo wareysi gaar ah siiyay HOL ayaa sheegay in ay ka war hayaan dadka ka barakacay Fahtaadda oo ay Qarramada Midoobey ku qiyaastay 182. 000 oo qof, sidaa daraadeed UK go’ aansatay in ay gargaar gaarsiiso ilaa 70,000 -80, 000 oo ruux oo wajahaya xaalad adag oo dhinaca nolasha ah.

‘’Waxaan sameyneynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u taageerno gurmadka degdegga ah. waxaan hadda rabnaa in aan gaarno dad u dhaxeeya 70,000 ilaa 80,000 oo qof oo biyo, cunto deg deg ah iyo hoy intaba u baahan, ”ayuu yiri danjire Fender.

Gaar ahaan wuxuu sheegay in bulshada ay bartilmaameedsanayaan si gargaar loo gaarsiiyo yihiin kuwa ku dhaqan magaalooyinka Beledweyne iyo Baardheere oo ay si adag fatahaadu u saameysay.

Waxaa uu dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay in marka laga soo tago gurmadka iyo gargaarkan la gaarsiinayo dadka barakacay loo baahan yahay in qorshe laga yeesho sidii looga fogaan lahaa in mar kale dhibaatadan oo kale soo noqoto.

Waxaa soconaya gurmadka baaxad leh oo la doonayo in lagu samatabixiyo dadka ay saameeyeen dadaadka ka soo rogmaday wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo dhibaato xoog leh ka geystay qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]