4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Wakiilka Qarramada Midoobey iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo kulmay

 

Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM James Swan.

Kulanka ayaa labada dhinaca inta ay ku guda-jireen ay kaga wadahadleen arrimo la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, bani’aadannimada iyo dhaqaalaha.

Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay ka taagan tahay taageeridda tallaabooyinka dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida si loo gaaro himilada dadka, isagoo caddeeyay in ‘”kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta Qaramada Midoobey ee danaha dadka Soomaaliyeed ” 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]