4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Jabhad cusub oo looga dhawaaqay Galbeed Somaliland

 


Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Iyadoo Saddexdii bilood ee ugu danbeysay Jabhad la baxday Cawaale ku jireen Bariga magaalada Boorama ayaa markii ugu horeysay waxaa warbaahinta la hadlay hoggaanka Jabhdan oo fariin u diray xukuumadda Somaliland.

Hoggaanka Jabhada ayaa sheegay in ay dagaalami doonaan iyaga oo ugu baaqay Shacabka ku dhaqan gobolka Awdal in ay digniintaa ka soo baxday dhayalsan, dhinaca kalana ugu baaqayaan dhamaan wixii Ajnabi ah ee ku sugan gobolka in ay si deg deg ah uga baxaan.

Sarkaal u hadlay Jabhada ayaa sheegay in ay jirto saan-saan colaadeed islamarkaana ugu baaqayaan xukuumadda Somaliland in ay u diyaar-garoowdo dagaal.

''Annaga oo ah jabhada xoreynta Cawaale ee gobollada Awdal iyo Salal waxaan rabnaa in aan ka hadalno qiyaannada iyo beenta nala-gula dhaqmay,  waxaa heshiis lagu ahaa in wax la wadda leeyahay oo dowlad Somaliland la yiraah la wada dhiso, dowladdii aan wada laheyn markii la dhisay waxey noqotay dowlad qabiil kaliya ama reer kaliya leeyahay, waxaan wada yeelano iskaba daa'e wixii aan Annaga xaq u laheyn ayaan kala baxsan weynay,  sidaa daraadeed wadanka waa la kala leeyahay gobollada-yadana Annaga ayaa leh annaga ayaana ka talineyna '' ayuu yiri mid ka mid ah hoggaanka Jabhada cusub.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayeey ku eedeeyeen in uusan aheyn madaxweyne guud laakiin ay u arkaan in uu yahay madaxweyne reer kaliya ah waa sida ay hadalka u dhiggeen.

''Qofka waxaa la rabaa in uu waaya-aragnimadii hore iyo wixii la soo maray wax uu ku qaato, laakiin sidaa ma'aha ee waa nin qol ku jira oo aan siyaasad furfuran laheyn oo Albaabka hoosta ka xirtay oo reer kaliya maamul'' ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Jabhadan oo ka hadlayay hab maamulka Muuse Biixi.

Ilaa iyo hadda ma jiro dhinaca kale wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland oo la xiriira hadalkan ka soo yeeray hoggaanka cusub ee Jabhada Cawaale. 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]