4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Shir ay soo qabanqaabisay Qarramada Midoobey oo maanta ka furmaya magaalada Nairobi

 

Talaado, November, 12, 2019 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir labo cisho soconaya oo ay soo qaban-qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta dadka (UNFPA), waxaana lagu wadaa in kulanka looga arinsado qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Dhinaca Soomaaliya waxaa kulanka uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay gaaray magaalada Nairobi.

Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Kenya ayaa waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Marka kulanka laga soot ago waxaa jiri doona kulamo gargaar ah oo wafdiga dowladda Federaalka la yeelan doonaan madaxda heerka caalami ee kulanka ka qeybgali doonta, lamana oga in madaxweyne Farmaajo si gaar ah isku arki doonaan dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo labada dowladdood ay wali dhax taalo doodda leysku mari- la’yahay ee dacwadda Badda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]