4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2019
Wafdiggii Dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya


Isniin, November, 11 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay Wasiirka Gadiidka dalka Kenya James Macharia iyo mas'uuliyiin ka tirsan madaxtooyada dalkaasi Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaa uga qeybgalaya shir hir caalami ah oo loogaga hadlayo arrimaha horumarinta dadka iyadoo uu shirkan uu soo qabanqaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA).

Safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa imanaya xili wali labada dowladdood ay dhax taalo xiisad dhinaca Diblomaasiyada ah oo ka dhalatay dacwadda Badda ee hortaala Maxkamada Cadaallada dunida ee ICJ.

Kenya ayaa marar badan oo is xig xigtay ka dalbatay dowladda Soomaaliya iyo khilaafka Badda lagu dhameeyo hab wada -hadal ah, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa ku gacanseyrtay arintaa iyada oo ku adkeysatay in lagu qanco hadba go'aanka ay arintaa ka gaarto maxkamadda.

Lama oga marka laga soo tago kulanka caalamiga ah ee wafdiga Dowladda ay uga qeybgalayaan Nairobi in uu jiro doono kulan gaar ah oo dhaxmari doona madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]