Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland oo xilkii si rasmiya ula wareegay
Axad, November 10, 2019 (HOL )– Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Dabagalle ayaa maanta si rasmiya ula wareeegay xilkii, isla markaana ka sheekeeyey waxyaaluhu qaban doonno.
Munaasibadda uu xilka kula
wareegayey waxa ka soo qaybgallay madax
badan oo ayka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha Gudaha,
hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, xisbiga UCID iyo masuuliyiin badan.
Taliyaha Cusub Ee Ciidanka
Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale ) ayaa hadal
kooban oo uu madasha ka jeediyey sheegay inay sharciga ku adkaan doonaan,isla
markaana barbar wadi doonaan inuu boolisku la saaxiibo dadweynaha oo wada
shaqayn ka dhexeysay.
“ waxaan ilaahay ka baryeyaa
Inaan cadaalad ku maamuli doono oo daacad u noqon doono dadkayga iyo diintayda,
ilaahay insha alla wuu noo fududeyn doonaa, dad badan baa I waydiiya hadii
aad militeri tahay sideed ku maamuli
karta booliska, qofku hadii uu aqoon ciidan soo maray wuu maamuli karaa oo
xilal kala duwan baan soo maray oo hawlgalinta ciidanka Militeriga baan shan
sanno, sifiican baan ula qabsan karaa”ayuu yidhi taliye Dabagalle.
Waxaanu intaas raaciyey “ Waxa
lagu celceliyey in gacan qabow lagu maamulo shacabka, sharcigaan ku shaqayn
doonaa oo waanu ku adkaan doonnaa, wixii sharcigu qabto gacan kulul baanu ku
qaban doonnaa, saaxiibtinimada shacabka iyo booliska way garab socon doonaa
waanu sii adkayn doonnaa,isku kaayo khaldami maayo ku shaqaynta sharciga iyo
saaxiibtinimada shacabka.”
Taliye
Dabagalle ayaa laga soo wareejiyey ciidanka Militeriga,isla markaana
xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Militeriga Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
C/axmaan Saylici ayaa saraakiisha ciidanka booliska usoo jeediyey inay
taliyahooda la shaqeeyaan, waxaanu taliyaha ku guubaabiyey inuu taladda badsado
oo uu saraakiisha dhagaysto.
Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka
soo jeediyey gudoomiyaha maxkamadda Sare, xeer ilaaliyaha guud, wasiirka
arrimaha gudaha, wasiirka Biyaha, wasiirka xanaanadda xoolaha, labadda xisbi
mucaarad iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantoodaba la dardaarmay taliyaha
cusub.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.