4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2019
Cabdirashiid Xiddig: Hay'adaha ammaanka kama run sheegin qaraxii la fashiliyay

Isniin, May 27, 2019 (HOL)-  Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa ku eedeyay hay'adaha ammaanka ee Jubbaland inay ka been sheegeen xogta qaraxii dhowaan la fashiliyay ee laga helay meel ku dhow guriga uu ka degganyahay magaalada Kismaayo.

"Waxaan rabaa inan u caddeeyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka Jubbaland falka iskudeyga qaraxaasii ma aha sida ay u sheegeen wasaaradda amniga warsaxaafadeedka xalay ka soo baxay,mana ka turjumayo xaqiiqda,kamana aysan hadlin falka wuxuu ahaa ee waxay abaareen eedeyn aan sal iyo raad lahayn oo waxay iskudayeen inay marin habaabiyaan ujeeddada dhabta ah ee wixii meesha ka dhacay." ayuu yiri musharrax Xiddig.

Wuxuu ku dhaliilay wasaaradda amniga inaysan waxba kala socon xogta qaraxa oo aysan hay'adaha amnigu tagin goobta qaraxa laga helay, isagoo marka caddeeyay inuu xogta la xiriirtay qaraxa uu horey ula socday.

"Shaqsiyaad yar oo kooban ayaa howsha abaabulkeeda iyo fulinteedda isku xilsaaray, howsha way fashilantay, balse waxaa wax lala yaabo ah marka la arko qaraxa dabiiciyan waddadii loo marijirey waa la dhinac marey si loo qariyo oo qarax iyo bam markii meel lagu arko ciidanka amniga ayaa loo yeera oo anteennada la damiya si aan loo qarxin, balse waxaas oo dhan ma dhicin oo sidii loo soo socday goobtii shaqsiyaadkii awalba howsha ka shaqeynayay ayaa yimid waxayna xambaarteen miinadii". ayuu ku daray xildhibaan Xiddig.

Ciidanka Amisom ee nabad ilaalinta u joogo Kismaayo iyo odayaasha dhaqanka  ayuu usoo jeediyay inay xilligan qaataan doorkooda, sidoo kale qeybaha bulshada ayuu ugu baaqay inay taageerran isbeddel doonka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]