4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2019
Dagaal culus oo xalay ka dhacay gobolka Jubbada hoose

 

Axad, May, 26, 2019 (HOL) –Warar naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqaani.

Maamulka deegaanka Bilis Qooqaani oo hoos-tagta degmada Afmadow ayaa sheegay in ciidamadu iska caabiyeen weerarka uga yimid dhinaca xogagga Al-shabaab oo ay ka sii war hayeen.

Muuse Macalin oo ah guddoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in dhankooda aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin dagaalkaas, balse ay arkeen meydka ruux ay dileen, kadibna ay uga tageen goobtii lagu dagaalamay.

Weerarka xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Gobolkaasi uu abaabul  dagaal ka wado madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]