Sabti, May, 25, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho madaxweyne oo afar
maalmood ah oo rasmi ah ku tagay dalka Japan kaasoo badi ku saabsan xaflad iyo sportis, inkastoo mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad uu ballan qaadayo “in ay jiri doonto waxyaabo muhiim ah oo lagu dhawaaqayo."
Ka sokow fursadaha xagga sawirrada halkii heshiisyo laga sameyn lahaa
ayaa noqon karta mid ula kac ah dhanka Ra'iisal Wasaaraha Japan Shinzo
Abe, kaasoo xiriir dhow la lahaa Trump. Labada masuul ayaa kulmay ama ku
wada hadlay telefoon in ka badan 40 jeer, taas oo "gabi ahaanba ah mid
aan hore loo arag," sida uu sheegay Aqalka Cad.
Professor Tomohiko Taniguch oo ka tirsan jaamacadda Keio, oo ah nin u
qayb sanaha ra'iisul-wasaaraha ee diyaarinta khubadda siyaasadda
dibadda, ayaa sheegay in marka laga reebo munaasabadda booqashada, uu
jiri doono nuxur yar.
Laakiin Taniguchi ayaa tilmaamay in Abe uu yahay hogaamiyaha
shisheeye ee kaliya, kaasoo " saacado badan ku bixin kara inuu la hadlo
Trump iyadoo aaney jirin qodobo diyaarsan, taas oo lasfsad ahaanteeda
muujineysa qiimaha istiraatijiyadeed ee diblomaasiyadda Japan."
VOA