Maxkamada ciidamada oo markii ugu horeysay xukun dil ah ku riday Askari dilay Darawal Mooto Bajaaj
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)-Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kaasoo 8-dii bishan May magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah.
Xukunka dilka ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu rido Askari dila
darawal mooto bajaajle ah, tan iyo markii ay soo korortay dilalka loo
geysto darawalada mooto bajaajta ah
Askariga la xukumay ayaa dilay Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure oo ahaa
wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta Mooto Bajaajta, halka uu dhaawacay
Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah.
Dacwadda ayaa socotay dhowr
Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Marqaatiyo iyo Saraakiil ka
tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.
Talaabadan ay qaaday maxkamada ciidamada qalabka sida ay noqoneysa tii ugu horeysay ee xukun noocan oo kale ah lagu rido Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj, iyadoo ay jiraan tiro kale oo ciidamada dowladda ah oo sidan oo kale siyaabo kala duwan ugu dilay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, kuwa oo qaarkood baxsad ku baqan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]