4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Hal Qof oo lagu dilay deegaanka Ceel Afweyn

 

Khamiis, May 23, 2019 (HOL)- Hal qof ayaa lagu dilay deegaanka Ceel-af weyn hoos yimaada ee gobolka Sanaag, taas oo keentay inay dadkii deegaanku ka naxeen maadaama oo muddo dhow uun la dhameeyey dilal beeleed ka dhici jirey deegaankaasi.

Tan iyo intii ay culimadda Somaliland soo afjareen colaadii labada beelood ee deegaanka Ceel afweyn ka jirtay muddo laga joogo shan bilood waa dilkii kowaad ee beelahan dhexdoodda ka dhacdo.

Madax dhaqameedka uu ka soo jeeda ninkii dilka gaystay ayaa sheegay inay gacan bir ah ku soo qaban doono gacan ku dhiiglaha, isla markaana aanu ku dhex dhuuman doonin qof qof dilay, waxaanay beeshii qofka laga dilay ka codsadeen in ay ka war sugaan inta la soo qabanayo dambiilaha.

Labadan beelood oo muddo saddex sanno ah la xalin kari waayey colaadoodda, ayaa waxa loo xulay culimadda iyo madax dhaqameedka Somaliland oo dhan waxaana lagu heshiiyey in qofkii qof dila loo dilo, isla markaana aanay cidna sharciga gacanta ku qaadan ee marka dilku dhaco beesha wax laga dilaa sugto inta wax laga qabanayo.

Dilkan ayaa yimid iyadoo magtii dilalkii hore uga dhacay la kala qaadanayo oo beel waliba soo diyaarisay magtii lagu xukumay.

Illaa hadda wax dhibaato kale ma dhicin, waxaanay beesha uu ka soo jeedo gacan ku dhiiglaha laga sugayaa inay sharciga soo horkeenaan, taas oo ay ballanqaadeen soo qabashada ninkaasi wax dilay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.