4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Guri-Ceel : Nin doonayay in uu is qarxiyo oo gacanta lagu dhigay

 

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in uu gacanta lagu dhigay shaqsi doonayay in uu isku qarxiyo munaasabad ay lahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna.

Ninkan doonayay in uu is qarxiyo ayeey wararku sheegayaan in uu gudaha u soo galay goob ay ku sugnaayeen mas'uuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca ee munaasabada ka qeybgaleysay, balse ay u qarxi weyday Jaakadii uu watay.

Ciidamadii goobta ku sugnaa ayaa la sheegay in ay arkeen isaga oo isku dayaya in uu Jaakada Qarxiyo balse ay u suurtagali la'dahay, intaa kaddibna waxaa markiiba gacanta ku dhigay ciidamada oo halkaa ku furfuray walxihii uu sitay.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta  ayaa muujiyayy ciidamada  Ahlu Sunna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka  hayay.

Munaasabadda uu doonayay inuu ninkan isku qarxiyo ayaa  waxaa ku sugnaa Madaxda Ahlusuna, sida hoggaamiyaha Guud ee Ahlusuna  Macalin Maxamuud, Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo  Sheekh C/risaaq Al-shcari

Sanad kasta mar la gaaro  17-ka Ramadaan  Culima'udiinka Ahlu Sunna ayaa dhigta Munaasabad ay ugu magac dareen maalinta Shuhadada oo ay  ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen  Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]