4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Wargeys ka soo baxa Kenya oo sheegay dowladda Soomaaliya inay qorsheynayso ciidanka Kenya dalka in laga saaro

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-  Warbixin dheer oo lagu baahiyay wargeyska The Star  oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer ee ka soo baxa Kenya ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay dadaal ku bixinayso sidii hoos loogu dhigi lahaa ciidanka AMISOM kuwa Kenya ee qeybta ka ahna looga saari lahaa dalka.

Dadaallada ay dowladda Soomaaliya arrinta ku dooneyso, wuxuu wargeysku sheegay inay taageerayaan dalal dhowr ah,iyadoo warbixinta wargeyska lagu sheegay in heshiiskii saddex geesood ee dhex maray Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea uu ahaa sidii ciidammo ka socda dalalkaas oo aan qeyb ka aheyn waajibaadka AMISOM loo keeni lahaa Soomaaliya.

"Madaxweyne Farmaajo si cad ah uma sheegin inuu ka xun yahay Kenya, balse qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa qoraya in Saraakiishiisa sare ay wada hadalo kula jiraan Turkiga, Qatar, Itoobiya iyo Eritrea, si ay u taageeraan dhaq dhaqaaqyadooda milateri si Jubbaland loogala wareego ciidammada Kenya." ayaa lagu yiri warbixinta oo lagu sheegay in wada xaajoodkaas uu hoggaaminayo madaxa sirdoonka ee Soomaaliya, Fahad Yaasin , "Wuxuu heystaa Baasaboor Kenyan ah, laamaha amniga waxay sheegeen inuu u adeegsado si uu ugu kala safro Caalamka."

Dagaalka dhanka kheyraadka ah ee ay waddaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa ka dhigay in khatar soo wajahdo danaha Kenya, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya uu gadaal ka riixayo sidii ciidammada Kenya looga saari lahaa Soomaaliya.

"Maamulka Farmaajo waxay doonayaan in hoos loo dhigo AMISOM joogitaankeeda Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland, wararka waxay sheegayaan in Farmaajo doonayo in Eritrea iyo Itoobiya soo galaan Soomaaliya, kyadoo ay jirto heshiis labada dhinac ah oo banaanka ka ah waajibaadka AMISOM," ayuu yiri wargeyska.

Warbaahinta Kenya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay warbixinno kala duwan ka qoreysay arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay labada dal oo aysan Kenya qarsan taas oo dhalisay in xukuumadda Nairobi ay tir tirto dhowr heshiis ay la gashay Soomaaliya. Waxa ugu weyn ee la iskudiidanyahayna waa qorshaha ay ku dooneyso Kenya inay kula wareegto dhul badeedka lagu muransanyahay ee dacwadiisu taallo maxkamadda dambiyada caalamiga ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]