4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo mas'uuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo hal sawir ka soo wadda muuqday

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-  Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir ,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hal fadhi kala soo muuqday mas'uuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xubnaha kala soo muuqday sawirka Cabdiraxmaan Cabdishakuur , waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.

Ma jirto faahfaahin laga helay kulanka iyo waxyaabaha looga wada-hadlay,balse warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in kulanka la iska xogwareystay xaaladda gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir ,Cabdiraxmaan Cabdishakuur  oo aad u dhaliila maamulka madaxweyne Farmaajo ayaa mas’uuliyiinta ka socda Soomaaliland ee uu la kulmay waxaa ay u joogaan Kenya martiqaad ay ka heleen xukuumadda Kenya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]