4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Deni: Dhallinyarada waxaan siinaynaa ahmiyad gaar ah

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa tibaaxay in dhallinta Puntland hormuud u tahay horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay.

Waxa uu xaqiijiyey in Puntland ahmid gaara siinayso dhallinyarada,isagoo marka ku ammaanay dadaallada horumarka ee gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.

Madaxweyne Deni, oo hadalkan ka jeediyay munaasabad afur ah oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa shacabka gobolka Mudug kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan tallaabo walba oo gobolkoodu ku noqonkaro mid xasilloon,mid nabad ah, mid horumaray iyo mid ay shacabkiisu halbeeg u yahay wadajirka.

Madaxweynaha Puntland oo booqashadii u horreysay ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa kullamo la qaatay qeybaha bulshada ee gobolka Mudug oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka,waxaana inta badan kullamada diirrada lagu saaray xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]