4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Madaxa sare ee Arrimaha Dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini oo booqasho ku tagtay Muqdisho

 

Isniin, May, 20, 2019 (HOL) - Madaxa sare ee arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mahad Cawad Ciise, iyadoo intaa kaddibna loo galbiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya halkaa oo ay kula kulantay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

“Waxa aan maanta kulan la qaatay Wakiilka Sare ee Arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini, waxaa aan ka wada hadalnay horumarka aan ka sameynay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019 ayuu yiri ra’iisul Wasaare kheyre.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah ururada ugu waaweyn beesha caalamka ee taageera Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sannadkii hore ansixiyey lacag dhan 116 milyan oo dollar oo ah lacag lagu taageerayo miisaaniyadda Soomaaliya, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee taasi ay dhacdo 27 sano.

Midowga Yurub iyo dawladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay goor dhow soo wada saaraan war-murtiyeed ku saabsan safarkaasi iyo qodobada laga hadlay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]