4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Dabley dad ku dishay deegaanka Banyaal oo qaarna la qabtay kuwo kalana la baadigoobayo

 

Isniin, May, 20, 2019 (HOL) - Waxgaradka iyo ciidamada degaanka Widhwidh ayaa ku hawlan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dabley hubaysan oo dad ku laayey tuulada Banyaal oo Buuhoodle dhinaca barri kaga quman 40Km.

Dableydan ayaa shalay laba nin ku diley duleedka tuuladaas, waxaana la sheegayaa in mid ka mid ah dableydan oo ahaa kii watey la hayo isaga iyo laba kale.

Sida uu u Sheegay HOL Sekriye Maxamed Ciise oo ah Saxafi ka hawl gala Widhwidh dableyda weerarka qaaday ayaa la sheegay buu yidhin in nin lagaga xidhay Hargeysa si ay madax furasho ugu qabsadaan laba injineer oo kuwa isgaadhsiinta ah ayay weerarka u soo qaadeen, waxaase difaacay buu yidhi laba nin oo meesha illaalinayey kuwaas oo ku dhintay labadoodiiba.

"Odayaasha ay nimankaas isku haybta yihiin oo wata ciidamo ayaa ku raadjooga niman loo tiranoyo in ay yihiin kuwa iyagu gacantooda ku diley labada marxuun" ayuu yidhi Sekeriye isagoo intaas ku daray in xaalku haatan degan yahay oo uu ka khafiifsan yahay sidii uu shalay ahaa.

Si kastaba ha ahaatee mudooyinkii la soo dhaafay dhawr dil oo dad badan ah ayaa degaanadaasi iyo kuwa ku dhow ka dhacayey balse dhamaan waxaa looga heshiiyey si fudud waxase dhibi taagnaan doontaa hadii nimanka gacanta lahaa la soo qaban waayo.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool