4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2019
Agaasimihii guud ee wasaaradda Ganacsiga oo shaqo ka joojintii laga qaaday

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa loo oggaaladay inuu shaqeeyo,kaddib muddo sannad ka badan oo xayiraad ay saarneyd.

Bishii February sannadkii 2018ka ayaa shaqada laga joojiyay, marka oo la sheegay is fahan-waa inuu soo kala dhexgalay agaasimaha guud iyo Wasiir Maareeye.

"Anigoo fulinaya talo soo jeedintii madaxweynaha iyo go'aankii aanu isla qaadanay Ra'iisul wasaare Khayre ,kuna saabsanaa in agaasimaha guud oo muddo ku jiray shaqo hakin dib looga howlgeliyay wasaaradiisii". ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ganacsiga oo ku ku taariikheysneyd 30 April.

Hoos ka akhri warqadda;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]