Axad, May, 19, 2019 (HOL)- Kor u kac ku yimid weerarada ka dhanka ah
Muslimiinta dalka India ayaa kor u qaaday welwelka ururada xuquuqda aadamaha,
kuwaas oo dawladda ku boorrinaya inay qaaddo tallaabooyin ad-adag si ay u
ilaaliso dadka la tirada badan yahay ee dalkaas.
Xilli ay sii kordhayaan danbiyada nacaybka ku saleysan ee lala beegsanayo
Muslimiinta dalkaas oo ku abtirsada diinta 2aad ugu weyn dalkaas, ayaa kooxaha
u dooda xuquuqda aadmuhu ay ka digeen dulqaad la’aanta loo hayo dadka laga
tirada badan yahay, dulqaad la’aantaas oo aad ugu sii badanaysa dal ay Hinduugu
ku badan yihiin.
Jayshree Bajoria oo ah cilmi baare iyo la-taliye Hay’adda xuquuqda aadamaha
ee HRW ayaa sheegtay in ay jirto amni darro sii kordhaysa iyo cabsi ay qabaan
dadka laga tirada badan yahay ee India, gaar ahaan Muslimiinta iyo Dalits-ka.
Iyada oo u waramaysa Idaacadda VOA ayey sheegtay in dawladdu ay ku
guuldarreysatay ilaalinta dadka, isla markaana ay si sax ah u baarto weerarada
ay qowleysatadu u geysanayaan dadka haysta diimaha laga tirada badan yahay iyo
bulshooyinka la takooro, weeraradaas oo ay inta badan geystaan kooxo sheegta
inay dawladda taageeraan.
Xigasho VOA