4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Hawada magaalada Diridhabe oo maanta halmar boodh qariyay

 

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Hawada guud ahaan magaalada Diridhabe ayaa sidan isu badalay iyadoo magaalada oo dhan boodh qariyay, dadkuna goobihii ganacsiga iyo guryahoodii ay albaabada u xidheen.

Lama oga waxa sababay boodhkan kacay iyo hawada sidan noqotay, balse dadka qaar ayaa sheegaya in marka Roob wayni ku soo socdo magaalada ay hawada sidan noqoto.

 

Magaalada Diridhabe ayaa intii muddo ahba aan arkin saansaan roob, iyadoo muddooyinkii dambe cimillada magaaladu ay aad u kululaayeen, balse haddii tan maanta ay noqoto mid roob soowada waxay noqon doontaa mid lagu qabawsado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]