4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Madaxweynaha Jubbaland oo cabasho ka dhan ah dowladda federaalka u gudbiyay safiirka Ingiriiska


Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland , Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ee Ben Fender,iyadoo wada-hadal la xiriira xaaladda Soomaaliya ku qaateen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.


Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Islaam iyo safiirka Ingiriiska ayaa markii uu soo dhammaaday kulanka ay qaateen waxaa ay si wada-jir ah ula hadleen saxaafadda.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in safiirka ay isla soo qaadeen shirka Garoowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay, isagoo inta ku daray dagaalka al-Shabaab iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa iyo gurmadka dadka ay abaarahu sameeyeen.

"Waxaan kalo safiirka u sharraxnay doorashooyinka Jubbaland oo aan u sheegay inan anigu saacada laga billaabo mas'uuliyadeeda, guddi doorasha jirta guddiga ayay u taalla guddiga ayay dowladda iyo musharrixiinta  ka wada-hadalayaan oo ay tahay meel ay guddi maamullayaan oo aysan maamulka waxba ku lahayn, waxaan kalo u sheegnay doorashada inay u dhacayso si xor ah,kuna dhacayso waqtigeeda." ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Wuxuu inta ku daray inay safiirka u gudbiyeen cabashada ay ka qabaan in la soo abaabulo ama dhibaato loo geysto oo musharrixiin dibadda looga soo qaado, isagoo marka caddeeyay inaysan sax ahayn tallaabooyinka ay qaadayso dowladda federaalka.

Safiirka Ingiriiska Ben Fender, ayaa sheegay in madaxweynaha ay ka wada-hadleen dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya ,waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen arrimaha abaaraha iyo xilliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay.

Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaannada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonaan, waxaa kalo uu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog faro galin dhinac walba leh.

Booqashada safiirka Ingiriiska ee Kismaayo ayaa ku soo aadday xilli Jubbaland ay isku diyaarinayso doorashada guud ee madaxweynaha, waxaa kalo jira khilaaf u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka,iyadoo shirkii Garoowe uu isaga soo baxay madaxweynaha Jubbaland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]