3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe


Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland.

Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo masuuliyin kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobollada Puntland.

"Waxaa ilaahay mahaddiis ah dhulka Puntland oo aad u ballaaran, cirif ilaa cirif oo meelaha qaybtood laga yaabo 1,000KM iyo ka badan inay isu jiraan,duruufo kala adag ku jiraan, dhulka oo aad u fog fog oo ay dhici karto meelaha qaar in doonyo lagu geeyo oo baaruurtu aysan gali karin, in kulli ay Wasaaraddu ku guulaysatay in Imtixaanada Saacadaan maanta la joogo ay kulli waqti isku mid ah ka fulayaan, runtii ilaah ayaan ugu mahadnaqaynaa, waana guul ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo runtii tijaabo iyo Tusaale u noqon doonta gayiga Soomaaliyeed dhammaantiis". ayuu yiri Madaxweynaha  Puntland.

Madaxweyne Deni , oo ka hadlaayey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka loo qaado Imtixaanaadka Puntland 20 sano ee ay jirto, waxa uu caddeeyay In Puntland ay guul ka gaartay waxkasta oo looga baahnaa imtixaanaadka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la wadaagaan Khibraddaas Dowladda Federaalka iyo dowladdaha Xubnaha ka ah.

"Waxaana rajaynaynaa khibradaas iyo waayo aragnimadaas muddada dheer soo socotay inaan la wadaagno goobaha kale, deegaanada kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS inaan u gudbino khibraddaas iyo sida loo maamulo" ayuu yiri ku daray madaxweynaha Puntland.

 Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle ka baryey in imtixaanku uu ku dhammaado guul, ardayduna ay la yimaadaan natiijo wanaagsan, waxaana uu u mahadceliyey Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Howl wadeenadeeda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
5/18/2019 5:17 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku hoyanaya degmada Xarfo ee gobolka Mudug, iyadoo safarkan uu qeyb ka yahay socdaal uu madaxweynaha Puntland uu ku marayo deegaanno ka tirsan Nugaal iyo Mudug.

5/18/2019 5:07 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shir lagu qabtay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen hay’adaha amniga dalka iyo mas’uuliyiin ka socota dowlahada iyo hay’adaha heer caalami ee dowladda ka taageera dhanka amniga.

5/18/2019 5:01 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

5/18/2019 4:52 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo booqashadii u horreysay ku maraya deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa booqday xarunta shirkadda dhismaha waddooyinka ee Kebarco oo ku taalla duleedka degmada Burtinle.

5/18/2019 4:19 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Puntland ayaa sheegtay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee maanta billowday si habsami leh u socdaan,iyadoo wasiirka Soomaaliya ahna Cabdulaahi Goodax Barre oo maanta gaaray Jowhar uu sheegay in uu fashilmay Imtixaankii Puntland

5/18/2019 1:18 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in Imtixaanka maanta ka bilaawday qeybo ka mid ah dowlad gobolleedka Puntland uu fashilmay.

5/18/2019 10:54 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Hawada guud ahaan magaalada Diridhabe ayaa sidan isu badalay iyadoo magaalada oo dhan boodh qariyay, dadkuna goobihii ganacsiga iyo guryahoodii ay albaabada u xidheen.

5/18/2019 10:31 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland , Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ee Ben Fender,iyadoo wada-hadal la xiriira xaaladda Soomaaliya ku qaateen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

5/18/2019 7:52 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa lagu soo warramaya inuu toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada mootada saddexda lug leh ee Bajaajta, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

5/18/2019 7:47 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-Magaalada Jowhar xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle waxaa goor dhaw oo maanta ah gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaliya oo ay hoggaaminayaan wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

5/18/2019 7:40 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay dhowr heshiis oo maalmahan ay ka tagneyd xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka dooddistooda.

5/18/2019 6:21 AM EST
Sabti, May 18, 2019 (HOL)- Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta si balaadhan looga xusay sanad guuradii 28aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland ku dhowaaqda inay dib ula soo noqotay madax banaanideedii.

5/18/2019 2:59 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dalka Japan kaga qeyb galay shirka Caasimaddaha horumarka ku talaabsanaya oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda ka socotay Caasimadaha Dalalka Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Amerika.

5/18/2019 2:45 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Feeryahannad Soomaaliyeed ayaa qarka u saaran inay waddankeeda u sameyso taariikh wayn,iyadoo la filayo inay usoo gudubto tartanka feerka ee ka dhacaya sannadka 2020ka magaalada Tokyo ee dalka Japan, taas haddii ay dhacdo waxay baal dahab ah ka gelin doonta taariikhda Soomaaliya.

5/18/2019 2:04 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii 15aad Kalfadhigoodii 5aad, iyadoo kulanka maanta lagu eegi doono saddex Ajande oo mid ka mid ah xildhibaannadu u codeyn doonaan.

5/18/2019 1:38 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Saddex carruur ah oo hal qoys ka soo jeedda ayaa lagu soo warramaya inay la tageen dadaad ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee maalmahanba ka da'ayay deegaannada bariga ku yaalla ee Puntland.

5/18/2019 1:06 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Sida ay goobjoogayaal sheegeen rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Nin dhalinyaro siweyn looga garanayay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyadoo kooxdii toogashada geysatay ay goobta ka baxsadeen.