Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya una codeynaya ajandayaal muhiim ah
Sabti, May, 18, 2019
(HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya
kulankoodii 15aad Kalfadhigoodii 5aad, iyadoo kulanka maanta lagu eegi doono
saddex Ajande oo mid ka mid ah xildhibaannadu u codeyn doonaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in
ay maanta u codeeyaan heshiiska Caalamiga ah ee Naafadda, kaasoo ay dhowaan ay
soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.
Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa kulankooda
maanta isla eegi doona warbixin ku saabsan khasaarihii loo geystay Shirkadda
Isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku
lahaayeen Jubbooyinka iyo Gedo.
Warbixinta ayaa la filayaa in si faah faahsan
lagu soo bandhigo khasaarooyinka loo geystay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud,
waxaana uu Baarlamaanka ka soo saari doonaa qaraar.
Ajandaha saddexaad ee kulanka maanta oo Sabti ah
ay isugu imanayaan xildhibaannada ayaa noqonaya akhrinta labaad ee wax ka bedelka sharciga
Saxaafadda oo wax ka bedel lagu sameeyay qodobada sharcigaasi oo ay horay uga
horyimaadeen qaar ka mid ah bahda warfaafinta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]