4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Qoys saddex carruur ah ku waayay Roobabkii ka da'ay gobolka Bari

 

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-  Saddex carruur ah oo hal qoys ka soo jeedda  ayaa lagu soo warramaya inay la tageen dadaad ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee maalmahanba ka da'ayay deegaannada bariga ku yaalla ee Puntland.

Qoyska ay arrintan ku dhacday ayaa ku noolaa baadiyaha degmada Waaciye ,waxaana daadadkii ka soo rogmaday roobabkii mahiigaanka ahaa ee maalmahanba halkaas ka da'ayay ay kala tageen saddex wiil oo ay dhaleen.

Aabbaha dhalay carruurtaas ayaa sheegay in roobku uu ku billowday xilli habeen ah markii roobku xoogaystayna uu daadku qaaday aqalkii ay dagganaayeen.Wuxuu intaas ku daray in markii ay damceen in dhulka sare ee buuralayda ah u baxsadeen ay la kulmeen tog aysan filayn oo ka qaaday saddex carruur ah oo uu dhalay.

"Saddex waa dhimatay, laba carruur ah ayaa ii hadhay, mid kamid ah hooyadiis ayaa xambaarsanayd mid ka kalena waxa uu jiray magaalada Carmo" ayuu yiri Ismaaciil oo ah Aabbaha ay dhibaatadu soo gaartay oo la hadlay idaacadda BBC-da.

Ismaaciil , ayaa sidoo kale sheegay in xoolihii uu haystay oo Ari u badnaa ay dhaafeen, balse gurmad iyo gacanba uu ka helay dadka deegaanka.

Qoysaska reer guuraaga ah ee ku nool deegaannada bariga ku yaalla ayaa lagu soo warramaya inay saameyn ku yeesheen roobabka mahiigaanka ah ee halkaas ka da'ay iyo daadadka kasoo rogmaday dhulka buuraleeyda ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]