3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Faah faahin ku saabsan wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Sida ay goobjoogayaal sheegeen rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Nin dhalinyaro siweyn looga garanayay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyadoo kooxdii toogashada geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Wiilkan toogashada lagu dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed ayaa ka mid ayaa la sheegay in goob Timo Jare ah uu ku lahaa degmada, isaga oo dhinaca kalana ka mid ahaa dhalinyarada firficoon ee sida weyn looga garanayay degmada Kaaraan guud ahaan.

Dilka kaddib waxaa goobta tagay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira dadkii ka dan-beeyay dilka.

Ma’aha markii ugu horeysay dilalka noocan oo ee lagu bartilmaameedsado dhalinyarada magaalada Muqdisho, waxaana dhowr jeer oo hore sidan oo kale toogasho lagu dilay dhalinyaro magac weyn ku dhax lahaa bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
5/18/2019 5:17 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku hoyanaya degmada Xarfo ee gobolka Mudug, iyadoo safarkan uu qeyb ka yahay socdaal uu madaxweynaha Puntland uu ku marayo deegaanno ka tirsan Nugaal iyo Mudug.

5/18/2019 5:07 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shir lagu qabtay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen hay’adaha amniga dalka iyo mas’uuliyiin ka socota dowlahada iyo hay’adaha heer caalami ee dowladda ka taageera dhanka amniga.

5/18/2019 5:01 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

5/18/2019 4:52 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo booqashadii u horreysay ku maraya deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa booqday xarunta shirkadda dhismaha waddooyinka ee Kebarco oo ku taalla duleedka degmada Burtinle.

5/18/2019 4:19 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Puntland ayaa sheegtay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee maanta billowday si habsami leh u socdaan,iyadoo wasiirka Soomaaliya ahna Cabdulaahi Goodax Barre oo maanta gaaray Jowhar uu sheegay in uu fashilmay Imtixaankii Puntland

5/18/2019 1:18 PM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in Imtixaanka maanta ka bilaawday qeybo ka mid ah dowlad gobolleedka Puntland uu fashilmay.

5/18/2019 10:54 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Hawada guud ahaan magaalada Diridhabe ayaa sidan isu badalay iyadoo magaalada oo dhan boodh qariyay, dadkuna goobihii ganacsiga iyo guryahoodii ay albaabada u xidheen.

5/18/2019 10:31 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland , Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ee Ben Fender,iyadoo wada-hadal la xiriira xaaladda Soomaaliya ku qaateen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

5/18/2019 7:52 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa lagu soo warramaya inuu toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada mootada saddexda lug leh ee Bajaajta, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

5/18/2019 7:47 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-Magaalada Jowhar xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle waxaa goor dhaw oo maanta ah gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaliya oo ay hoggaaminayaan wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

5/18/2019 7:40 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay dhowr heshiis oo maalmahan ay ka tagneyd xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka dooddistooda.

5/18/2019 7:26 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland.

5/18/2019 6:21 AM EST
Sabti, May 18, 2019 (HOL)- Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta si balaadhan looga xusay sanad guuradii 28aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland ku dhowaaqda inay dib ula soo noqotay madax banaanideedii.

5/18/2019 2:59 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dalka Japan kaga qeyb galay shirka Caasimaddaha horumarka ku talaabsanaya oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda ka socotay Caasimadaha Dalalka Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Amerika.

5/18/2019 2:45 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Feeryahannad Soomaaliyeed ayaa qarka u saaran inay waddankeeda u sameyso taariikh wayn,iyadoo la filayo inay usoo gudubto tartanka feerka ee ka dhacaya sannadka 2020ka magaalada Tokyo ee dalka Japan, taas haddii ay dhacdo waxay baal dahab ah ka gelin doonta taariikhda Soomaaliya.

5/18/2019 2:04 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii 15aad Kalfadhigoodii 5aad, iyadoo kulanka maanta lagu eegi doono saddex Ajande oo mid ka mid ah xildhibaannadu u codeyn doonaan.

5/18/2019 1:38 AM EST
Sabti, May, 18, 2019 (HOL)- Saddex carruur ah oo hal qoys ka soo jeedda ayaa lagu soo warramaya inay la tageen dadaad ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee maalmahanba ka da'ayay deegaannada bariga ku yaalla ee Puntland.